Shuruucda & Xeerarka Tartanka
Ku soo dhowow bogga rasmiga ah ee tartamada Tartanpass. Halkan waxaad ka heli doontaa xeerarka iyo nidaamka u-qalmidda tartamada kala duwan ee Horyaalada, Champions League, Benaddir Champions, iyo Tartan League.
Nidaamka U-qalmidda
- 🏆 Champions League:
- Kooxaha 4-ta sare ee horyaalka ugu weyn ayaa si toos ah ugu biiri doona Champions league.
Tartankan waa midka ugu weyn, waxaana isu yimaada kooxa kaalimaha sare galay .
Guuleystaha wuxuu heli doonaa abaalmarinta ugu weyn ee sannadka.
Ciyaaraha waxaa lagu ciyaaraa habka Group Stage iyo kadib Knockout Stage. - 🥈 Benaddir Champions:
- Kooxaha ku dhamaada kaalmaha 5, 6, iyo 7 ayaa ku biiraya tartankan.
Waa heerka labaad ee tartamada Yurub-ka Soomaaliya.
Koox kasta waa inay ilaalisaa anshaxa ciyaaraha iyo waqtiga lagu heshiiyey.
Ciyaaraha waxaa lagu ciyaaraa 2 wareeg (group iyo quarter final). - 🥉 Tartan League:
- Kooxaha ku dhamaada kaalmaha 8, 9, iyo 10 ayaa ka qeyb galaya Tartan League.
Tartankan waa fursad loogu talagalay kooxaha kaalimaha hoose si ay u muujiyaan awooddooda.
Ciyaar kasta waa in lagu ciyaaraa si cadaalad ah iyo anshax wanaagsan.
Guuleystaha wuxuu heli doona awaal marin Coins ah xilli ciyaareedka xiga.
Xeerarka Ciyaarta
- ⚽ Ciyaartoydu waa inay isticmaalaan koox isku mid ah inta lagu jiro tartanka.
🎮 Ciyaaraha waa in lagu ciyaaraa habka “Fair Play” — ma oggola ciyaar xun .
⏰ Haddii ciyaar la seego, kooxda maqani waxay lumin doontaa 3 dhibcood.
📅 Jadwalka ciyaaraha waa in la raacaa, dib u dhigista waxay u baahan tahay ogolaansho maamulka.
🏅 Natiijooyinka waxaa la xaqiijin doonaa kaddib marka Guulestaha Screen shoot ciyaarta soo diro.
💡 Xusuusin F.G: Dhamaan tartamada aan ka aheyn horyaalada waa free, Sidoo kale Tartamada waxaa maamula maamulka rasmiga ah ee Tartanpass ,Somali Efootball . Wixii su’aal ah, nala soo xiriir bogga xiriirka.